Ukraine oo Gudoomiye Gobol u Magacawday Madaxwaynihii hore ee Gorgia

0
232

Madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko, ayaa u magacaabay hoggaamiyihii hore ee dalka Georgia, Mikheil Saakashivili, in uu barasaab ka noqdo gobolka muhiimka ah ee Odessa ee dalka Ukraine.

Mr Poroshenko ayaa warkaasi ka shaaciyay magaalo ku taalla xeebta badda madow, xilli uu garab taagnaa Saakashvili.

Madaxwaynaha ayaa ku tilmaamay hoggaamiyahii hore ee Georgia in uu yahay saaxiib wayn oo ay Ukraine leedahay.

Saakashvili ayaa madaxweyne ka ahaa Georgia xilligii uu dalkaasi dagaalka kooban la galay Ruushka sanadkii 2008-dii.

Hadda waxa uu qaatay dhalashada dalka Ukraine.

Ukraine oo gudoomiye gobol u magacawday madaxwaynihii hore ee Gorgia