UNHRC oo hakisay dib u celinta qaxootiga Somaalida ee Dalka Kenya

0
259

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ayaa hakisay dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha qaxootiga Dadaab ee gobolka waqooyi-bari Kenya cimilada oo xun darteed.

Hay’adda ayaa sheegtay inay ilaa hadda dib u celisay qaxooti dhan 2,048 qof.

Hay’adda ayaa bishii December ee 2014 waxay billowday mashruuc tijaabo ah oo lagu celinayo qaxootiga doonaya inay si ikhtiyaari ah dalkooda ugu laabtaan.

“Gaadiidkii lagu daabulayay qaxootiga waa la joojiyay sabab la xiriirta waddooyina oo xun,” ayay hay’addu ku tiri war qoraal ah oo ay Talaadadii soo saartay.

Xeryaha qaxootiga Dadaab waxaa ku nool dad gaaraya 350,000 oo qof oo u badan Soomaali.