Wariye Manta Lagu Maxkamadaynayo Jamhuuriyada Islaamiga Ah Ee Iran.

0
333

Wadanka Iran waxaa manta oo talado ah lagu maxkamadaynayaa wariye u shaqaynayay wargayska Washington Post, kaas oo lagu eedeeyay basaasnimo sidaasi waxaa sheegaya wararka laga helayo Iran.

Jason Rezaian waxaa lagu hayay xabsi ku yaala Iran, tobankii bilood ee u dambaysay.

Wakaaladda wararka ee Iran ee ISNA waxa ay sheegtay in dhagaysiga dacwadaasi ay u socoto si qarsoodi ah.

Qareenkiisu wuxuu sheegay in dacwad oogayaashu aysan keenin wax cadaymo ah oo ay ku xoojiyaan dacwada ninkaasi loo haysto.

Dawladda Maraykanka iyo wargayskii uu u shaqaynayayba waxa ay sheegeen in arrintani aytahay wax aan la aqbali karin waxa ayna ku baaqeen in sida ugu dhakhso badan loo sii daayo wariyahaasi.

Warbahinta dalka mareykankana waxaa aay shegayaan in arrintani ay xasaasi tahay sababtuna ay tahay in ay soo shaac baxday iyadoo lagu guda jiro wadahadalada u dhaxeeya Iran iyo Reer Galbeedka kaas oo ku saabsan barnamijka Nukliyeerka jamhuuriyada dalkaasi Iran

wariye la maxkamadeeynaayo