Wasaarada Difaaca Oo Shegtay In Dowlada Turkiga ay Ka Qeyb Qadaneyso Dhismaha Ciidamada Dowlada

0
202

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hogaaminayo oo socdaal shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga, ayaa dalka dib ugu soo laabtay iyadoo Wasiirka uu la socday Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Daahir Aaden Cilmi Indha qarshe.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay intii uu ku sugnaa dalka Turkiga in uu kulamo la qaatay dhigiisa dalka Turkiga oo ay ka wada hadleen arimo badan oo muhiim ah kuwaasi oo ku Saabsan dhisimaha Ciidan qaran oo ay Somalia yeelato.

Wasiirka Difaaca ayaa sidoo kale sheegay in xukuumada ay wado ololo dib loogu dhisayo Ciidan qaran iyo sidi loo sameyn lahaa isku dhaf ciidan qaran oo ay somalia yeelato.