Wasaaradda Amniga Oo Sheegtay In Xildhibaan Dirir Ay Dileen Ciidamada Dowlada Soomaalia.

0
225

Iyadoo Shalay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka oo lagu Magacaabi jiray Yuusuf Cabdi Dirir islamarkaana lagu dhaawacay Weerarkaasi  Xildhibaan Cabdalla Boos ayaa Wasaarada Amniga Gudaha Xukumadda Soomaaliya waxaa ay Shaacisay in Dilkaasi ay ka danbeeyeen Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo Shir Jiraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in Hay’addaha Amniga Dalka ay yeesheen Shir Deg Deg ah oo lagu ogaanayo Cida ka danbeysa Dilka Xildhibaanka,waxaana la ogaaday in Weerarkaasi ay Fuliyeen Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka.

“Gaariga ay wateen Xildhibaanada oo maraya Wadada Maka Al-mukarama ayaa waxaa ka daba yimid Gaariga ay la socdeen Ciidamada Xoogga Dalka oo Hoon yeerinaya,kadib Gaarigii Ciidamada Milatariga ay wateen ayaa Gaariga Xildhibaanada ku hor jaray oo rasaas la dhacay”ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada amniga.

Afhayeenka ayaa sheegay in Guddi 7 Xubnood ka kooban loo saartay baarista Dhacdadaan islamarkaana si ded deg ah u howlgali doono,wuxuuna meesha ka saaray in aysan jirin Gacan kale oo ku lug leh Dilka Xildhibaanka.