Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka oo kormeerey Qaar kamid Ah Isbitaalada Muqdisho

0
110

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka  & Daryeelka bulshadda ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Muqdisho Soomali Turkish Ex. Digfeer ay gacanta ku hayso dowladda Turkiga,kormeerkaasi oo uu ugu kuurgalayey howlaha Isbitaalka uu hayo shacabka &horumarintii bilihii ugu dambey ee lagu sameeyey.

Kormeerka wasiir ku xigeenka wasaarada Caafimaadka & Daryeelka bulshadda  Cismaan Maxamed  Cabdi (Cismaan-Daallo) ayaa waxaa ku waheliyay agaasimaha daweynta & qalabaynta ee wasaaradda Caafimaadka.

Mas’uuliyiinta  ayaa ku soo wareegay qaybaha Isbitalka oo ka koobanyahay oo ay ka mid yihiin  qeybta sifaynta kiliyaha & kaadi Mareynka, Caruurta,Haweenka & qeybo kale oo muhiim ah.

Cismaan Maxamed Cabdi (Cismaan-Daalo) wasiir ku xigeenka Caafimaadka ayaa sidoo kale waxaa uu  indho indheeyey xaaladda bukaanadda Isbitaalka Muqdisho Samali Turkish ,kuwaasi  oo iskugu jiray bukaano lagu sameeyay qaliino oo ay ka mid yihiin carruur ku dhalatay indho la’aan oo horey wax loo qaban waayey Isbitaalada kale, dad ku soo dhaawacmay qaraxyo sida gabar ku soo dhawacantay qarax ka dhacay ceelsha biyaha oo dhamaanteed gubatay haddana ay ka soo reynayso xaaladdeeda.

Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Xuseen Maxamed Nuur ayaa sheegay in isbitaalka ,oo Muqdisho Somali Turkish uu shaqo balaaran uu u qabto isla markaana xilligan uusan wali dhameystimin uuna u shaqeeyo heererka Isbitaalada caalamiga ah.

Husein Jaan Kormaz oo ka mid ah maamulka Isbitaalka ayaa sidoo kale hadlay himiladda uu Isbitaalka qorsha dhaw &  kan fog uu gaari doono isagoo  sheegay  in laga dhigo Muqdisho Somali Turkish hopitaal kan ugu casrisan Geeska Afrka.

Agaasiamha qalabeynta & daweynta ee wasaaradda caafimaadka Dr C/risaaq  Axmed Yuusuf ayaa sidoo kale xusay in howsha adeega caafimaadka ee ka socdda Muqdisho Somali Turkish hospital ay tahay riyo ay dadka Soomaalida qabeen oo ay rumeeyeen walaalaha Turkiga.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Cisman Maxamed Cabdi (Cismaan-Daalo) ayaa ugu dambeyntii ka hadlay kormeerkii uu maanta ku tagay Isbitaalka Muqdisho Somali Turkish Hospital Ex.Digfeer..

Isbitaalka  Muqdisho  Somali Turkish ayaa waxaa uu ka mid yahay  Mashaariicda  ay wadanka hirgelisay dowladda Turkiga, waxaana Isbitaalkan dib u dayactirkiisa ka dib xariga ka jaray madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Turkiga waxaana uu kamid yahay Isbitaalada ugu casrisan guud ahaan wadamada dhaca Geeska Afrika.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here