Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Oo Xalay Kormeeray Saldhigyada Ciidamada Booliska Muqdisho

0
210

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed oo xalay kormeer ku tagay Qaar ka mid ah Saldhigyada booliska degmooyinka gobolka Banaadir, kormeerkan oo ahaa mid uu ugu kuur-galayay xaaladaha ammaanka iyo heeganka ay ku jiraan saldhigyada.

Saldhigyada uu booqday wasiirka amniga waxaa ka mid ahaa saldhigga degmada Shingaani, kan Cabdulcasiis, kan Waabari iyo midka degmada Hodan, isagoo kula kulmay saraakiisha amniga iyo taliyeyaasha saldhigyadaas qaar ka mid ah.

“Kormeerkii aan ku tagay saldhigyada booliiska degmooyinka Muqdisho qaarkood, waxaan ugu kuur-galayay shaqada ay ku jiraan saldhigyada, intii aan soo aragnay howshooda sida loogu talo-galay inay u socoto, qaarkoodna habacsanaan ayaan kusoo aragnay,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in tallaabo sharci ah ay ka qaadi doonaan saldhigyada aan howlahooda gudan, isla markaana ay ku arkeen habacsanaan, wuxuuna intaas ku daray in uu sii wadi doono kormeerada noocan ah.

“Ammaanku waa muhiim, waxaana doonaynay inaan aragno magaalada oo wanaagsan, si aan u ogaanno howsha sida ay u socoto; waxaana rabnaa in saldhig walba uu mas’uul ka yahay degmada uu ku yaallo, wixii qaldanna waanu saxaynaa,” ayuu Wasiirka Amnigu yiri.

Ugu dambeyn, xilliyada habeenkii ah ayaa waxaa Muqdisho howlgallo lagu sugayo amniga ka waday booliiska Somalia iyo booliiska AMISOM, kuwaasoo lagu arkayo qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho qaarkood.

Wasiirka Amniga Cabdi risaaq