Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Aan Hortagin Baarlamaanka Kadib Markii……

0
244

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Fadaraalka ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen {Odawaa} oo lagu waday inuu hortago baarlamanka Soomaaliya maanta hortagin Mudanayaasha Baarlamaanka Xili iyadoo guddoonku uu sheegay in 72-saac uu wasiirku ku horyimaado Baarlamananka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo kulanka shir-guddoominayay ayaa Xildhibaannada u sheegay in Wasiirku uu Codsaday in dib loo dhigo xilliga imaanshihiisa Baarlamaanka sida uu qabo Xeer-hoosaadkan ayna kordhiyeen xilliga uu Horimaanayo xildhibaannada Golaha Shacabka.

Wasiirka ayaa wax laga Weydiinayaa Mooshin ay Xubno ka Tirsan Baarlmaaanka Somalia ka keeneen Golaha Wakiillada Jubbaland, kaasoo ay ku dhaliileen Hannaanka lagu loo soo xulay inuu yahay mid aan waafaqsanayn qaab awood-qaybsiga Jubbooyinka.

Intaas kaddib xildhibaannadii mooshinka ka keenay Baarlamaanka Jubbland ayaa dalbaday in mooshinkooda cod la geliyo, inkastoo ay taasi suuro-gal noqon wayday, kaddib markii xildhibaannada ku sugnaa kulanka oo tiradoodu ahayd 151 mudane ay noqdeen 105 keliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa xiritaankii kulanka ka sheegay in xildhibaannada jooga aysan ahayn kooram cod lagu qaadi karo, sidaa daraadeedna ay dib u dhigeen illaa Sabtida nagu soo fool leh cod u qaadista mooshinka ka dhanka ah baarlamaanka maamulka Jubbaland.