Wasiirka Arimaha Gudaha,Guddiga Farsamada Shirka Cadaado Cabdi Qaybdiid ma Dhisin Mana kala Diri Karo

0
229

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka dowladda Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa kaga hadlay dhismaha guddiga doorashooyinka iyo xaduudaha oo wasaaraddu ay maalmihii lasoo dhaafay ku howlanayd sidii loo dhisi lahaa iyo halka uu marayo shirka Cadaado.

Wasiirka oo kulan la qaatay shirkiisa jaraa’id ka hor guddi wasaaraddu u xil-saartay sidii ay u soo kala saari lahaayeen xubno badan oo doonaya inay ka mid noqdaan guddiga doora-shooyinka iyo xuduudaha dalka ayaa xusay inay guddigu 27-qof kasoo xuleen 350-xubnood oo doonayay inay guddigan ka mid noqdaan; isagoo sheegay in 18-qof ay ka xuli doonaan, kuwaasoo ay u gudbin doonaan baarlamaanka Somalia si ay u ansixiyaan.

“Guddiga kala-saaridda dadka soo codsaday inay ka mid noqdaan guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha dalka oo shaqenayay 21-kii maalmood ee la soo dhaafay ayaa soo kala saaray 350-kii qof, waxayna wasaaradda u soo gudbiyeen 27-qof, annaguna waan kala saari doonnaa waxaanan u gudbin doonnaa golaha wasiirrada kaddibna baarlamaanka waxaana nalaga rabaa in aan ka dhigno 18-xubnood oo min sagaal ah labada guddi,” ayuu Odowaa ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ka hadlay halka uu marayo dhismaha maamulka gobolada Mudug iyo Galgaduud, isagoo xusay in dad dano gaar ah leh ay warar aan sax ahayn ka sheegayaan shirka, isla markaana shirka meel aad u wanaagsan marayo hadda.

“Guddiga Farsamada qofna ma kala diri karo, wuuxuna ku yimid is-faham siyaasadeed oo ay wada gaareen shacabka gobolladaas, warka Qaybdiid uu ku sheegay inay guddigaas kala direenna waan haynaa; isagu ma dhisin mana kala diri karo, guddigana howshiisa wuu sii wataan,” ayuu yiri wasiirka oo ka jawaabayay wareysi madaxweynaha Gal-mudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid) dhawaan siiyay Warbaahinta.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu ka hadlay in qodobbo ka mid ah shirkii ay ku kala saxiixdeen shalay magaalada Garoowe ay caqabad ku noqon karaan dhismaha maamulka gobollada dhexe, ayaa sheegay inuusan filayn inay ku noqon karaan caqabad, howsha dhismaha maamulkana ay tahay mid ay ka gaari doonaan go’aan guddiga xuduudaha dalka, ayna taasi dhiman tahay.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha gudaha Somalia ayaa intaas ku daray in dadaal dheer ay wasaaraddiisu ugu jirto dhismaha maamullada dalka, isagoo intaas ku daray inuu socdo qorshe wasaaraddu ay ku doonayso in gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe loogu dhiso maamul mideysan.

Odawaa_Wasiirka_Arrimaha_Gudaha_Somalia