Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo la Kulmay Saxiixayaasha Maamulka G/dhexe

0
300

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa Degaanka Gidheys oo Dhinaca Barri Degmada Cadaado kaga beegan 12-KM kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid,Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb C/llaahi Cali Maxamed Baarleex,.

Wasiirka iyo sidoo kale Saxiixayaasha Maamulka Gobolada Dhexe ayaa la sheegay in ay kawada hadleen Khilafka ka jira Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Dalka iyo sidii loo dhameyn lahaa.

Wararka laga helaya degaanka ayaa sheegaya in uu jiro isku soo dhawaansho ah Dhanka Dowladda iyo Saxiixayaasha maadaama Madaxweynaha Galmudug uu ka soo horjeesaday Gudiga Farsamada mid kalena uu Magacaabay.