Xarumihii waxbarshada gobolka Waqooyi bari Kenya oo ammaan darro loo xirey

0
228

95 iskuul oo kamid ah xarumaha waxbarashada ee gobolka Waqoyi Bari Kenya ayaa loo xirey sababo la xiriira ammaanka.

Wasiirka waxbarshada dalka Kenya Jacob Kaimenyi ayaa u sheegaya guddiga waxbarashada ee baarlamaanka  dalka Kenya.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in uu amray in maamulada dugsiyada iyo guddiyada waxbarashada gobolka Waqoyi Bari Kenya in ay la xiriiraan taliyaasha ciidamada ammaanka si loo maareeyo xaaladaha

“12 dugsiyo sare ah iyo 83 dugsiyo hoose dhexe oo ku yaal magaalooyinka Mandhera,Wajer iyo Garissa  ayaan haatan xiran,”ayuu yiri wasiirka waxbarashada ee dalka Kenya.

Xirnaanshaha dugsiyadan ayaa waxaa saameyn ku yeeshay cabsi la xiriirta weerarkii lagu qaaday jaamacada Garisa halkaa oo ay ku dhinteen in ku dhow 150 arday oo wax ka baranaysay.

Ardaydii ka badbaaday weerarkii lagu qaaday jaamacada Garisa ayaa loo wareejiyay magaalada Eldoret ee dalka Kenya.

Inta badan macalimiinta wax ka barata iskuulada ku dhow tiradooda boqolka ayaa diiday in ayshaqo tagaan iyagoo sheegay in ammaankoodu uu sugneyn.

Jaamacadaha ku yaal magaalada Nairobi ayaa la geeyay ciidamo Boolis ah oo suga ammaanka ardayda wax kabarata jaamacadaha.