Xilibaano Ka Tirsan Barlamaanka Soomaalia Oo Eedeeyay Madaxweyaha Soomaalia Iyo Gudoonka Barlamaanka Soomaalia.

0
205

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanaka Soomaaliya islamarkaana ah kuwii Mooshinka ka keenay Baarlamaanka Jubbaland iyo qaabka loo dhisay ayaa sheegay in Mooshinkaasi in anaan  la qaadin ay ka danbeeyso Madaxtooyada Soomaaliya Guddoomiyaha Baarlamaanka ayay ku edeyeeyn in aay arintaasi aay gacan ku siineeyso Madaxtooyada.

Xildhibaanada Baarlamaanka Qaarkood ayaa tilmaamay in Mooshinkaas horyaala Baarlamanaka uu Maalinkii Labaad u baaqaday Kooram la’aan islamarkaana ay tahay Qorshe ay wataan Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka.

Baarlamaanka Federaalka ayaa shalay u balan sanaa in Codka loo qaado Mooshinka ka dhanka ah Xildhibaanada Jubbaland iyo qaabka loo dhisay,balse waxaa uu u baaqday Kooramka Xildhibaanada oo aan dhameystirneyn.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa horay u dalbaday in la hakiyo Mooshinkaas inta ay Xal ka gaarayaan Guddi ay Xukumaddu Magacawday,waxaana jirta in Baarlamaanka uu wali wado Mooshinka.