Xisbiga Muxaafidka Ee Dalka UK oo ku soo noqonaya awoodda

0
204

Xisbiga Conservative ayay u muuqataa inuu ku guuleysanayo aqlabiyad doorashada guud ee ka dhacday dalka UK.

Raiisul Wasaare David Cameron ayaa ku guuleysanaya shan sano oo kale, iyadoo xisbigiisa uu ku guuleystay kuraas badan oo aan horey loo fileyn.

Mr Cameron ayaa u sheegay qaar ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa Muxaafidka in guushan ay tahay tii ugu wanaagsaneyd ee muddo dheer soo marta.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Labour ayaa lumiyay kuraas badan gaar ahaan Scotland oo ay wada qaateen xisbiga SNP.

Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha UK, David Miliband ayaa is casilay kaddib markii xisbigiisu ku guuleysan waayay doorashada UK.

Waxaa kale oo is casilay hoggaamiyeyaasha xisbiyada Liberal Democrats, Nick Clegg iyo UKIP Nigel Farage.

 

uk Doorashooyinkii_Britain_2 Doorashooyinkii_Britain_1 Doorashooyinkii_Britain_3