Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo dalbaday inaan Mudo kale lagu Darin Xilliga Doorashada

0
224

Madaxda sare ee xisbiyadda mucaaradka ah ayaa kulan la yeeshay guddida golaha Guurtidda ee loo xil saaray ka soo talo bixinta wakhtiga ku haboon in loo kordhinayo xukuumadda.

Labadda xisbi mucaarad ayaa waraaq u gudbiyey golaha Guurtida taasoo ay ku cadeeyeen mawqifkoodda ka dhanka ah in xukuumadda loo kordhiyo wakhti ka badan jadwalka ay soo saareen guddida Doorashooyinka.

Labadda xisbi mucaarad ayaa golaha Guurtidda ka codsaday in aanay magacii iyo sharaftii hore ugu baxay iska masixin, isla markaana aanay khilaaf u horseedin shacabka, oo aanay korodhsiimo ka badan inta guddida Doorashooyinku sheegeen ku talaabsan.

“Waxaan kala talinaynaa golaha sharafta leh, inaanay iyagu sabab u noqon khilaaf siyaasi ah oo ka bilaabma Somaliland dhalinkarana in Somaliland waydo kalsoonidii caalamka, waxaanu rajaynaynaa in goluhu siin doonno tixgelinta uu mudan yahay codsigani”ayaa lagu yidhi qoraalka ay golaha Guurtidda u gudbiyeen labadda xisbi mucaarad.

Qoraalkan labada gudoomiye mucaarad ku saxeexan yihiin ayaa si tifaftiran loogu sharaxay jaranjarooyinka ay soo mareen jadwalka ay soo sameeyeen guddida Doorashooyinka, isla markaana madaxweynuhu ku raacay cayiminta wakhtigaasi, haseyeeshee golaha Guurtidda uga digay inay sameeyaan wax ka duwan jadwalkaasi.

Qoraalkaasi ay u gudbiyeen labadda xisbi, waxa kale oo shir la galleen guddidan loo xil saaray inay ka soo tallo bixiyaan mudadda ku haboon ee loo kordhin karo xukuumadda.

“Waxaanu bixinay dardaaran kayagii iyo waxay nala tahay oo ah inaanu khilaaf taagnayn ee maalintaas la cayimay ee Komishanku cayimay ee ay xaq, xeer iyo xaagaan ba u leeyihiin la sharciyeeyo oo aan daqiiqad, saacad iyo maalin toona lagu darin. dardaarankeenu waa kaas, anagoo qirayna kaalinta muga leh ee dib u heshiisiin leh ee dimuqraadiyadayn leh ee nabad-galyo leh ee golaha guurtidu kaga jiro dalka aanu ka sugayno inaan maantana gacantooda ku burburin Somaliland” ayuu yiii Boobe Yuusuf Ducaale oo u hadlayay xisbiga WADANI.

“Waxaanu u sheegnay maadaama oo Komishankii jadwalka doorashada loo diray wakhtiga doorashada cayimay inaanay wax laga doodaa jirin ee ay tahay uun in arrintaas la xalaaleeyo, lagu duceeyo,laguna dhaqaaqo. Muddadaas doorashada ka hadhayna wixii qabyo ah in sidii loo dhamayn lahaa lagu dhaqaaqo weeye, oo looma baahnaba in wada tashi iyo shir laga galo muddo kordhin, wakhtigii hore ee aanu wada tashiga gali jiray wakhtigu ma cayinayn laakiin hadda wakhtigiii waa la cayimay, saddexda Xisbina dhib uma arko markaa in maanta laga wadatashadaa ma haboona ayaanu nidhi Guurtida,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey kulankii ay la lahaayeen guddida Guurtidda ka kooban yahay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu madaxweynaha la kulmay, isla markaana uga warbixiyey safar afar bilood qaatay oo uu ku marayey dalal badan oo caalamka ah, isla markaana arrimihii ay ka wada hadleen u gudbinayey madaxweynaha.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inuu madaxweynaha kala hadlay arrimaha doorashooyinka ah ee taagan, taas oo uu kula taliyey inuu madaxweynuhu ku calool adeego inuu doorashada wakhigii komishanka Doorashooyinku qabteen ku taageero.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Cali Waran Cadde ayaa isna kulan la yeeshay gudomiyaha xisbiga UCID iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ka wada hadlayey arrimaha doorashooynka iyo muddo kordhinta la hadal hayo, inkastoo warar rasmiya ka soo bixin dhinacyadaasi kulmay.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiyadda mucaaradka ayaa walaac ka qaba in golaha Guurtiddu xukuumadda u kordhiyaan wakhti khilaafsan jadwalka guddida Doorashooyinku u qabteen inay doorashadda ku qabanayaan taas oo ku beegan badhtamha sanadka 2016 oo ay sheegeen inay doorashada ku qabanayaan.

???????????????????????????????