Xukuumadda Somalia Oo Sheegtay In Xildhibaan Yuusuf Dirir Ay Dileen Ciidan Ka Tirsan Dowladda

0
213

Baaritaano hordhac ah oo laga sameeyay dilkii loo geystay shalay xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi iyo dhaawac loo geystay xildhibaan kale iyo laba qof la socday ayaa la sheegay inay geysteen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Warar hordhac ah oo warbahinta ay ka heshay xukuumadda Somalia ayaa sheegaya in baaritaano tan iyo xalay socday lagu ogaaday in ciidammo ka tirsan millateriga Soomaaliya ay dilkan geysteen.

Sidoo kale, baaritaannada ayaa lagu Sheegay in Al shabaab aysan ahayn kuwii dilay xildhibaanka, sheegashadoodana ay tahay mid been abuur ah oo aysan waxba ka jirin.