Baarlamaanka Soomaaliya oo Lagu Wado In Ay ka Doodaan Dhaqaalaha iyo Siyaasada Dalka

0
290

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay  Dood ka yeeshaan Dhaqaalaha iyo Siyaasada dalka heerka ay marayaan.

Kulanka Baarlamaanka ayaa maanta loo qorsheeyay in Dirada lagu saaro ka doodista Dhaalaha Soomaaliya oo hoos u dhacay iyo Siyaasada dalka gaar ahaan sida lagu gaari karo Hiigsiga 2016-ka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud  oo ah Habdhowraha Baarlamaanka ayaa sheegay in ka doodsta Labadaan Qodob ee horyaala Golaha Shacabka ay timid kadib markii Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka ay go’aamiyeen in Waqti laga doodo la siiyo.

Amaanka Xaruunta ay ku shiraan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si weyn loo Adkeeyay,iyadoo Ciidamada Amaanka lagu Arkayo wadooyinka u dhaw Xarunta Golaha Shacabka