Baarlamanka Soomaaliya Oo Loo Gudbiyay Mooshin ka Dhan ah Darbiga ay Kenya ka Dhisayso Xadka Soomaaliya

0
248

Shir ay Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Somalia ku yeesheen Muqdisho ayaa looga Hadlay Howlaha Baarlamaanka Soomaaliya hor-yaalla iyo Ajandayaasha la Filayo inuu Baarlamaanku Meel-marin doono Toddobaadka soo socda, iyadoo Mooshin ka dhan ah Darbiga ay Kenya ka dhisayso Xuduudda ay Somalia la Wadaagto loo Gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiyada Joogtada ah oo kulankoodu dhowr Saacadood Socday ayaa uga dooday intii uu socday arrimaha xasaasiga ah oo ay ugu horreyso xildhibaannada kulamada Baarlamaanka ka Maqnaada inta badan, kuwaasoo Howlaha Baarlamaanka Somalia Hor-yaalla ka Dhigay kuwo Qabyo ah.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somalia, Mahad C/lla Cawad oo markii uu kulanku soo dhammaaday la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in baarlamaanka loo soo gudbiyay Mooshin ka dhan ah darbiga ay Kenya ka dhisayso Soohdinta Somalia iyo Kenya u dhexeysa.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in Mooshinkan Darbiga ay ka dhisayso Kenya Xadka laga soo Diyaariyay ay Xildhibaannada Baarlamaanka Go’aan cad ka qaadan doonaan, kaddib markii ay ka Doodaan.

Mooshinkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Labo Kulan oo ka mid ah Kal-fadhiga Lixaad ee baarlamaanka federaalka Somalia oo loogu codeyn lahaa mooshin ka dhan ah Baarlamanka Jubbaland ay kooram la’aan u baaqdeen.

Waxana Mooshinkaan laga keenay Darbiga ay Kenya dhisayso ayaa Wuxuu ku soo Beegmayaa iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia iyo Xildhibaanno ay ku Maqan yihiin Dalka Uganda.