Cirfo “Ciidanka Liyuu Boolis waxay laayeen ilaa 50-ruux, 18 tuulana waa gubeen”

0
304

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalo xoogan oo ka dhacay xuduuda Itoobiya iyo Soomaaliya, isagoo eedeyn dusha uga tuuray Ciidanka Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Mr Cirfo oo ka hadlayay wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee shalay ka furmay Cadaado ayaa sheegay in dagaaladaas lagu dilay ilaa 52 ruux oo isugu jiray rag iyo haween, halka tuulooyin badana lagu gubay.

“Dagaaladaas socday lixda maalmood waxaa ku dhintay ilaa 52 ruux oo 11 ay haween ahaayeen inta kalena rag, waxaa ku dhaawacantay afartan ruux, 18 tuulo ayaa la gubay, dad badan oo xoolo dhaqato ayaa barakacay”ayuu yiri Guddoomiye Cirfo oo intaa ku daray in dagaaladaas haatan la xaliyay

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintan ay xiriiro badan kala sameeyeen dowladda Itoobiya iyo saraakiisha ciidamada ee qeybta ka ah howl galka AMISOM, kadibna uu yimid is fahan, waxaana uu tilmaamay in ciidankii Liyuu Boolis laga saaray deegaanka, ciidamo Itoobiyaan ay soo gaareen.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay inay isku day badan ka sameeyeen sidii ay colaadaas u joojin lahaayeen, waxaana uu tilmaamay inay ayaan darro tahay in dadka dhibaatadaas geystay ee dadka dilay inay ahaayeen Ciidan Soomaaliyeed oo ka tirsan Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

Mr Odawaa ayaa sheegay inay dadaal badan ku bixin doonaan sidii colaadaas aanay dib u soo laaban lahayn, waxaana uu ugu baaqay Maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya in arrintaas wax ka qabtaan, isla markaana la bad baadiyo dhiiga dadka xoola dhaqatada ee isu gudba xuduudaha.

Deegaanada ay dagaalada ka dhaceen ayaa waxay juquraafi ahaan dhacaan dhanka Galgaduud, iyadoo dhowr jeer oo hore Ciidanka Liyuu Boolis ay duulaano ku soo qaateen xadka Itoobiya uu la wadaago Gobolka Galgaduud.cirfo