C/qaadir Siidii oo sheegay in Ciidamada Dowlada iyo AMISOM Al-Shabaab kala wareegeen Dhul hor leh

0
244

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo garab milatari ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa bilaabay in ay isku fidiyaan deegaano iyo toolooyin hoosta taga Deegaanka Tooro-Toorow oo ay dhawaan kala wareegeen Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay in Ciidamada Dowada iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen Deeganao iyo Tuulooyin hoos taga Tooro-Toorow, waxa uuna intaa raaciyay in la isku Furay Degmada Wanlaweyn iyo Tooro-Toorow.

Mr Siidii ayaa cadeeyay in Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay sii wadayaan howlgalada ka Dhanka ah Dagaalyahanada Al-Shabaab, waxa uuna tilmaamay in dhawaan la qaadi doono howlgalo kale oo Al-Shabaab looga saarayo Gobloka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa maalmo kahor waxa ay dagaal la’aan la wareegeen Deegaanka Tooro-Toorow oo Al-Shabaab u ahaa saldhig muhiim ah, waxaana Shabaab hada Gobolka Shabeelaha Hoose ka joogaan Degmada Sablaale iyo Deegaano kale oo katirsan Gobolkaasi.