{DAAWO MUQAALKA} Qudbadii Wasiirka Amniga Somaliya Uu Ka jeediyay Shirka Ka socdo Baladweyne

0
321

Qoraalkan ayaa ah mid kooban  ayaan waxaan ku so koobnay Qudbada wasiirka gudaha soomaaliya

Wasiirka Amniga Somalia, C/risaaq Cumar Max’ed ayaa khudbad uu shirka ka jeediyay u mahad celiyay siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo qurba joogta ku dhabar adeygtay in shirku miro-dhal noqdo, Wuxuuna intaa ku daray in Wixii hadda ka Dambeeya Dowladda uu Qaadan doonto doorkeeda ku aadan shirka dib-u-hishiisiinta

Wasiirka ayaa odayaasha iyo Waxgaradka beellaha shirka ka qeyb-qaadanaya ku booriyay in ay xoogga saaraan siddii loo soo Af-jari lahaa khilaafaadka iyo colaada ka taagay qeybo ka mid ah gobolka, gaar ahaan deegaannada ku teedsan xuduudda uu Gobolka la wadaago Itoobiya.

Safarka Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa imanaya Xilli Magaalada Beledweyne ku dhawaad mudo labo beelood ah loo fadhiyo shirweyne isugu jira dib-u-hishiisiin iyo wadda-tashi la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka.

              HOOS KA DAAWO MUQAALKA WASIIRKA GUDAHA SOOMAALIYA