{DAAWO SAWIRADA} Afrika oo Markii Ugu Horeysay ka shireysa xagjirnimada

0
237

Wafuud ka kala socoto 22 dowladood oo Afrikaan ah iyo 16 waddamo kale ayaa maanta ku kulmayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si ay uga arrinsadaan qaababka ugu habboon ee looga hortagi karo xagjirnimada ka jirta qaaradda Afrika.

Kenya ayaa waxaa saaran cadaadis ah in ay ka hortagto weeraro uga imaanya kooxda islaamiga ah ee Al-Shabaab.

Kulankani oo mareykankuna uu taageerayo ayaa waxa uu daba socdaa mid horey uga dhacay Washinbgton bishii Febraayo ee sanadkan.

Inta badan waddamadani ku lug leh shirkani ayaa waxa ay wajahayaan halis gudaha ah oo uga imaanayo kooxo xag-jir islaamiyiin ah.

Kenya waxaa ku soo noqnoqday weeraro ay Alshabaab ka dambeeyaan

Waddamadani Afrikaanka ah ayaa hadda kordhinaya kharashaadka ay ku bixiyaan arrimaha gaashaan-dhigga si ay uga hortagaan halistani isa sii tareysa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Ole Nkaissery ayaa sheegaya in kulankani uu horseedi doono qaab mideysan oo waddamadani ay uga hortagayaan in la duufsado dhalinyarada isla markaana laga dhaadhiciyo fikrado xag jirnimo.

Nkaisery waxa uu intaasi ku daray in Kenya oo iyada marti gelinayso shirkani ay dooneyso in ay kulankani ku soo bandhigto qaababka ay ula dagaalanto kooxo uu ku tilmaamay in ay yihiin cadow, qaababkaasi uu sheegay in qiimeyn lagu sameyn doono inta uu socdo shirka maanta furmayo.

Alshabaab ayaa loo arkaa inay halis ku yihiin bariga Afrika,

Midowga Yurub ayaa laamaha amniga ee waddamada Bariga Afrika waxa uu siinayaan tababaro dhanka ka hortagga argagixisada ah, si loo tayeeyo dalalkan, isla markaana waddamada gobolka ay isaga kaashadaan baaritaanada iyo maxkamadeynta shakhsiyaadka ku lugta leh arrimahaasi.

Dadka u dhaq-dhaqaaqa arrimaha xaquuqda aadanaha ayaa sheegaya in ay habboontahay in si weyn loola socdo hab-dhaqabka ciidamadani si looga ilaaliyo in ay ku xad gudbaan xuquuqda aadanaha xilliyada ay fulinayaan hawlgalada ammaanka isla markaana looga hortago in ay faquuqaan bulshooyin ka caawin lahaa dhanka mukhaabaraadka.

 

al shabab dhibanayaal kenyan ah dhibanayaal