{DAAWO SAWIRADA} Arday Ka Qalin Jabisay scholka Aflax Basic Oo Lagu Qabtay Magaalada B/weyne

1
878

Xaflad ay ku qalin jabinayen Arday oo dhamestay Barashada Maadooyinka Scientific ee ka qalin jabiyay schoolka Aflax Basic ayaa lagu qabtay Magalada B/weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxana kasoo qeyb galen Xaflada Bahda Waxbarashada Waalidiin iyo Culimaadiin.
Qaar kamid ah marti sharaftii lagu casumaya Xaflada ee ka soo qeyb galay ayaa ka shekeyay faaidada ay ledahay wax barashada iyagoo ugu baaqay Ardada ka qalin jabineysa Aflax Basic School in ay kusii dadaalaan waxbarashada inteda kale.
Maamulaha Dugsiga Aflax Basic Al.Ustaad Maxamed C/laahi Diiriye oo ka hadlay xaflada ayaa shegay in dafcadaan ay tahay dafcadii Kobaad ee dhameysata barashada maadoyinka Scientific kana qalin jabisa schoolka Aflax Basic tan iyo Markii la aas aasay waxana uu ku dhiiri giliyay Ardada iney sii wadaan wax barashadooda.

Xaflada oo aheyd mid si her sara ah loo soo agaasimay ayaa lagu soo bandhigay Bogaag iyo muqaalo ka turjumayo waxbarashada faaida ay ledahay iyo qofka wax barta iyo kana an wax baran farqiga u dhaxeya taa oo ay siweyn usoo jiidatay Marti sharaftii ka qeyb gashay Xaflada.
Qaar kamid ah ardada ka qalin jabineyso schoolka Aflax Basic school oo la hadlay Idaacada Hiiraanweyn ee magaalada B/weyne ayaa ka hadlay daren kooda waxana ay shegen iney aad ugu faraxsan yihiin ka qalin jabinta schoolka Aflax Basic.

Dahir Hussein Yusuf, Hiiraan Weyn

daahirshell3@gmail.com

Beledweyne, Somalia

 

Xaflada Ischolka Aflax (3) Xaflada Ischolka Aflax (4) Xaflada Ischolka Aflax (5) Xaflada Ischolka Aflax (6) Xaflada Ischolka Aflax (13) Xaflada Ischolka Aflax (15) Xaflada Ischolka Aflax (16) Xaflada Ischolka Aflax (11) Xaflada Ischolka Aflax (9) Xaflada Ischolka Aflax (7) Xaflada Ischolka Aflax (8) Xaflada Ischolka Aflax (14)

Comments are closed.