{DAAWO SAWIRADA} Banaabax Madaxda DFS iyo Maamulka Galmudug looga soo horjeedo oo Garoowe ka dhacay

0
254
Shacabka Magaalada Garoowe qaarkood oo ay wehliyaan Maamulka Gobolka Nugaal iyo Duqa Magaalada Garoowe, ayaa maanta Magaaladaasi waxa ay ku dhigeen banaanbax ay uga soo horjeedaan Dowladda Federalka Somalia iyo dhismaha Maamulka Galmudug.

Dadkii banaanbaxa isugu soo baxay ayaa waxa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah madaxda Dowladda Federalka Somalia, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdilaahi Ciise Axmed oo ka hadlay banaanbaxa ayaa wuxuu sheegay in wax lala yaabo ay tahay in madaxda Dowladda Federalka Somalia ay taageeraan, sida uu yiri Maamul aanan ku dhisneyn Dastuurka.
Wuxuu sheegay in howsha ka socota Magaalada Cadaado ay tahay mid ku kooban dhanka Koonfureed ee Gaalkacyo iyo Gobolka Galgaduud.
Masuuliyiintii kale ee madasha banaanbaxa ka hadashay, waxaa ka mid ahaa Duqa Magaalada Garoowe Axmed Siciid Geelle oo sheegay in dadka banaanbaxa isugu yimid ay muujinayaan dareenkooda ku aadan sida ay kaga xun yihiin Maamulkaasi.
Maamulka Puntland ayaa tabasho kala duwan ka qabta Dowladda Somalia haba ugu badnaatee arinta Dastuurka.