{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Japan oo Qalab Ku Warejisay Wasaaradda Amniga Soomaaliya

0
315

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee Comanda Boliisiya ayaa waxaa qalab isgaarsiin oo casri ah oo dowladda Jaban ugu talo gashay ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kula wareegay wasiirka Amniga gudaha dalka mudane C/risaaq Cumar Maxamed, waxaana halkaasi ku sugnaa taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Saraakiisha Ciidanka Boliiska saraakiil ka socotay AMISOM, Qaramada midoobay iyo marti sharaf kale.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo wasiirka Amniga dalka C/risaaq Cumar ayaa waxaa qalabkani oo ah mid isgaarsiineed oo casri ah waxaa uu wax ka bedeli doonaa habka shaqada ciidanka iyadoo munaasabadda ay goob joog ka ahaayeen howlwadeenada ku shaqeyn doona qalabka cusub.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliya kan ciidamada AMISOM, sarkaal ka socday Qaramada Midoobay waxay si wada jir ah u soo dhaweeyeen qalabkani loogu deeqay Soomaaliya gaar ahaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Wasiirka Amniga Gudaha Crisaaq Cumar Maxamed oo qalabkani muhiimadiisa ka hadlay ayaa sheegay in wax badan uu ka tari doono howlaha isgaarsiineed ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayna ka mahadcelinayaan.

 

wasarada abniga gudaha oo dowlada jaban ku warejisay qalab (1) wasarada abniga gudaha oo dowlada jaban ku warejisay qalab (2) wasarada abniga gudaha oo dowlada jaban ku warejisay qalab (3) wasarada abniga gudaha oo dowlada jaban ku warejisay qalab (4) wasarada abniga gudaha oo dowlada jaban ku warejisay qalab (5) wasarada abniga gudaha oo dowlada jaban ku warejisay qalab (6) wasarada abniga gudaha oo dowlada jaban ku warejisay qalab (7) wasarada abniga gudaha oo dowlada jaban ku warejisay qalab (8) wasarada abniga gudaha oo dowlada jaban ku warejisay qalab (9) wasarada abniga gudaha oo dowlada jaban ku warejisay qalab (10)