{DAAWO SAWIRADA} Garoonka Jaamacadaha oo lagu bilaabay dhigidda cawska macsamalka ah

0
602

Garoonka kubadda cagta Jaamacadaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa lagu bilaabay dhigidda cowska macmal-ka ah, waxaana laga dhigi doonaa sida haatan uu yahay garoonka Koonis ee degmada C/casiis oo kale.

Waa mashruucii labaad oo ay FIFA siiso Soomaaliya, waxaana mashruucii hore uu ahaa kii lagu dhisay oo doogga macmalka ah lagu dhigay garoonka Banaadir ama Koonis ee degmada C/casiis, mashruucaan labaad ayaa la doonayaa in lagu dhiso guud ahaan garoonka Jaamacadaha oo laga soo saaro garoonka aad u bilicsan.

Haatan waxaa loo sameynayaa garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan Tarabuunkii, iyadoo lagu bilaabay dhigidda cawska macmalka ah, waxaana sidoo kale qorsha ka mid ah in halkaas laga dhiso xafiis farsamo.

Qandaraaska dhigidda cawska macmalka ah ee garoonka Jaamacadaha oo haatan la bilaabay waxaa qaaadatay shirkad Turki ah, waxaana qabiirka dhigaya cawska uu yahay nin u dhashay waddanka Turkiga oo lagu magacaabo Eng. Axmed.

Maanta ayaa waxaa garoonkaas booqday xubno ka mid ah guddiga filinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo ay hoggaaminayeen ku simaha guddoomiyaha Yaxye Maxmed Abuukar iyo Cusmaan Jaamac Diraac oo ah guddoomiyaha garsooreyaasha, waxaana socdaalkan sidoo kale ku wehliyey xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Fareey).

Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Fareey) oo markii uu halkaas tagay hadal jeediyey ayaa yiri: “Kani waa mashruucii labaad oo ay FIFA nagu deeqday, mashruucii hore waxa uu ahaa kii lagu dhisay garoonka Banaadir, waxaana rajaynayaa inay dib gacanteenna u soo geli doonaan garoomada Horseed, Dekedda iyo sidoo kale Stadium Muqdisho si aan uga faa’iideysanno mashruucyada ay inoogu deeqeyso FIFA.”

Dhanka kale qabiirka dhigaya cawska macmalka ah garoonka Jaamacadaha ee Eng. Axmed oo u dhashay waddanka Turkiga ayaa isna halkaasi ka hadlay oo yiri: “Muddo bil ah ayaan ku dhameynaynaa dhigga cowska, waa shaqo adag, haatan waan dhigaynaa cawskan, kaddib waxaan ku shubaynaa carro loogu talagalay iyo goomihii lagu shubayey, kaddibna waxaa inuu imaan doona qabiir kale oo ka socda FIFA kaasoo shaqadeenna kormeeri doona.”

Garoonka Jaamacadaha ayaa noqon doona garoonkii labaad ee wayn oo ku yaala magaalada Muqdisho, kaasoo la dhigo cawska macmalka ah, marka laga soo tago garoonka Koonis oo haatan lagu ciyaarayo horyaalka heerka koowaad, kaasoo kal horena lagu goglay doogga macmalka ah.

 

Jaamacadaha (1) Jaamacadaha (2) Jaamacadaha (3) Jaamacadaha (4) Jaamacadaha (5) Jaamacadaha (6) Jaamacadaha (7) Jaamacadaha (8) Jaamacadaha (9) Jaamacadaha (10) Jaamacadaha (11) Jaamacadaha (12) Jaamacadaha (13) Jaamacadaha (14)