{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Iyo R/Wasaare Xukuumada Oo La Kulmay Wafdi Ka Socday Mareykanka

0
250

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Mudane Xasan Shekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay danjire Tina Kaidanow oo ah xiriiriyaha Hawl-gallada La-dagaallanka Argagixisada ee Wasaarada Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulanka ay ku wehliyeen RW Sharma’arke, Wasiirka Arrimaha Dibadda, C/salaam Cumar Hadliye iyo xubno kale ayaa uga Warramay Danjire Kaidanow Xaaladaha siyaasadda, nabadgelyada iyo koboca dhaqaalaha Soomaaliya.

Geesta kale, madaxweynaha ayaa sheegay in Somalia ay si weyn baahi ugu qabto in laga taageero dhinaca dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo hirgelinta xarrumo lagu barto mihnadaha kala duwan, si taasi gacan uga geysato dib u soo kabashada dhaqaalaha, shaqo abuurista iyo sugidda amniga.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar Cabdirashiid oo isaguna kulankaas ka hadlay ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan hawlaha dhismaha maamulada iyo barnaamijka isku-dhafka ciidamada oo uu sheegay in horumar badan laga sameynayo.

Danjire Tina Kaidanow ayaa dhankeeda sheegtay in Mareykanka uu si weyn ugu qanacsan yahay horumarka Dowladda Soomaaliya sameyneyso, iyadoo xustay inay sii wadi doonaan taageerada lagu xaqiijinayo in horumarkaan horay loo sii wado.

labada dhinaca ayaa ka hadlay baahida loo qabo iskaashi dhow oo ku aadan la dagaalanaka Argagixisada oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, iyagoo walaac ka muujiyey xasaradda ka aloosan Yemen oo keeni karta in nabadgelyada gobolka iyo tan caalamka khalkhal uu ku yimaado.

Kulanka Labada Kulanka Labada1 Kulanka Labada2