{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Puntland Oo Garowe Kula Kulmay Danjire Michele Cervone d’Urso.

0
249

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kula kulmay magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michele Cervone d’Urso.

Labada masuul waa Ergaga ioyo Madaxweyne Gaas ayaa wada qaateen kulan albaabada u xirnaa, waxaana markii uu kulanka soo dhamaaday ay si wada jir ah ula hadleen Warbaahinta.

Madaxwetnaha Puntland ayaa sheegay in Midowga Yurub uu Puntland ka taageerayo dhinacyada waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha, maalgelinta wadada isku xirta Galkacyo iyo garowe iyo taageerida shirka wada tashiga Puntland.

Geesta kale waxaa uu sheegay Madaxweynaha Puntland inay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka la filayo in Soomaaliya ka dhacaan sanadka 2016.

Danjire Michele Cervone d’Urso Ergeyga Midowga Yurub ayaa ku ammaanay hormarada ka jira Puntland, isagoo xusay in guulo weyn ay ka gaareen la dagaalanka Shabaab, waxaana uu xusay inay wax badan kala qaban doonaan.

Madaxweyne Gaas iyo Durso.1jpg Madaxweyne Gaas iyo Durso