{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Al Bashiir Oo Siweyn Logu So Dhaweyay Wadankiisa Kadib Halkii Maxkamada K, Africa

0
227

Madaxweynaha Suudaan, Omar Hassan al-Bashir, ayaa wuxuu galabta uu soo gaaray Magaalada Khartoum, markii uu ka soo amba baxay Garoonka Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha, ayaa dalkaasi isaga soo tagey, xilli murun uu ka dhashay awaamiir ay soo saartay Maxkamad ku taala dalkaasi, taasoo amartay inaanu dalka ka bixi karin, si go’aan looga gaaro in lagu wareejin karo Maxkamadda Dembiga Adduunka (ICC) iyo in kale.

Maxkamadda ICC, ayaa sanadihii ugu dambeeyay baadigoob ugu jirtay Madaxweynaha Suudaan, markii ay ku eedeysay in uu xasuuq ka gaystay Gobolka Darfur.

Madaxweynaha, ayaa Magaalada Johannesburg u tagey Shir Madaxeedka Wadamada Ururka Midowga Afrika, oo uu kaga qaybgalay Axadii shalay, xilli Sabtidii uu gaaray Magaaladaasi.

Shacabka reer Suudaan oo ka carooday dalabaadka Maxkamadda ICC, ayaa galabta muujiyay sida ay u taageersan yihiin Madaxweyne al-Bashir, iyagoona isugu soo baxay wadooyinka gala Garoonka Khartoum.

Madaxweyne al-Bashir, ayaa si dhiiranaani ay ku jirto u soo dhex galay shacabka. Madaxweynaha oo saarnaa gaari dusha ka feedan, ayaa salaamaayay shacabka.