{DAAWO SAWIRADA} Nin Kenyan ah oo Doonayo in uu Guursado Gabadha uu Dhalay Madaxweyne Obama

0
342

Felix Kiprono oo ah qareen ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in uu doonayo in uu guursado gabadha uu dhalay madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ee Malia.

Qareenkan ayaa sheegay in uu diyaar la yahay in uu ka bixiyo Malia Obama yarad dhan konton lo’ ah iyo boqol ari ah. “Dadka waxaa laga yaabaa inay is yiraahdaan ninkan lacagta Obama ayuu u dan leeyahay, balse taas ma aha xaalka ee waa jacayl dhab ah,”ayuu yiri qareenkan isagoo u waramayay saxaafada dalka Kenya.

Waxa uu ninkan u dhashay dalka Kenya uu intaas sii raaciyay in uu daacad u noqon doono jacaylkiisa haddii uu ku guuleysto. “Waxaan xiiso u qaaday gabadhan 2008,”ayuu yiri. “Dhabtii tan iyo xilligii aan jeclaaday gabadha Obama lama haasaawin inan kale. Arrintana waa ogyihiin qoyskeyga waxana ay diyaar u yihiin inay ila bixiyaan yarada aan ku bixinayo inantan.”

Qareenkan ayaa haatan waxa uu qorsheynayaa in uu u gudbiyo qoraal rasmi ah safaarada Maraykanku uu ku leeyahay dalka Kenya. Felix Kiprono ayaa waxa uu intaas ku sii daray in uu doonayo in uu baro Malia Obama sida loo liso lo’da, loona kariyo soorta iyo weliba sida loo ruxo caanaha lo’da si ay u noqdaan garoor ama ciir.

 

Hadalkan ka soo yeeray qareenkan Kenyanka ah ayaa imanaya kahor booqashada la qorsheeyay in uu ku yimaado Obama dalka Kenya bisha July, waxana gabadha uu jacaylka u qaaday ninkan Kenyanka ah ay tahay 16 sano jir. Madaxweyne Obama ayaa aabihii Onyango waxa uu ka soo jeedaa dalka Kenya.

150407165359-01-sasha-and-malia-exlarge-169 Barack-ObamaMALIA_OBAMA_LOBOLAfelix-obama

kiptoo