{DAAWO SAWIRADA} Shir looga hadlay yareynta Xaalufinta dhirta iyo dhoofinta dhuxusha Oo Muqdisho Lagu Qabtay

0
367

Shir looga hadlay yareynta Xaalufinta dhirta iyo dhoofinta dhuxusha ayna sooqaban qaabisay Wasaaradda xanaannada xoolaha Soomaaliya ayaa lagu qaabtay Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay ka qeyb galen xubna ka socday Maamulada dalka iyo marti sharaf kale ayaa dadkii ka qeyb galay waxa ay ka hadleen dareenkooda ku aaddan arrinta iyo sida la isaga kaashan karo ka hortagga xaalufinta dhirta iyo dhoofinta dhuxusha, taasoo khatar ku ah deegaanka Somalia.

Xumna ka socday Maamulka Galmudug ayaa isaguna xusay inuu soo jeedinayo in dadka ku howlan jaridda dhirta loo abuuro shaqo. Waxaa kaloo isna hadlay mas’uul ka socday maamulka Koonfur-galbeed Somalia oo sheegay in arrintan looga hortegi karo Iskaashi wadajir ah.

Wasiir ku xigeen ka Wasaaradda Batroolka Maxamed Axmed ayaa isna si kooban hadal uga jeediyay kulanka, isagoo xusay in looga baahan yahay Maamullada ka jira dalka iyo dowladda dhexe inay iska kaashadaan ka hortaggan Arrintan.

Geesta kale, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Somalia, Sidiid Ciid ayaa kulanka ka yiri. “Waxaan soo jeeydinayaa in looga hortagi karo dhoofinta dhuxusha iyo jaridda dhirta in wada-shaqeyn buuxda ay yeeshaan maamullada ka jira dalka. Waxaanan ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan kheraadka badda oo laga wantoobo xalufinta dhirta.”

Xubnihii Kulanka ka hadlay ayaa Dhammaantood sheegay inay dhibaato xooggan dalka ku hayso jaridda dhirta iyo dhoofinta Xoolaha, waxayna ku dhawaaqeen inay iska kaashan doonaan sidii arrintan looga hortegi lahaa.

Xaalufinta Dhirta.1jpg Xaalufinta Dhirta.2jpg Xaalufinta Dhirta.3jpg Xaalufinta Dhirta.4jpg Xaalufinta Dhirta