Dacwad Laga Gudbiyay Ciidamada Amaanka Ee Kenya Kadib Markii Ay…..

0
222

Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ee ka soo jeeda Gobolka waqooyi bari Kenya ayaa dacwad ka dhan ah Ciidamada Amniga Kenya waxay u gudbiyeen Maxkamada sare ee dalkaasi kadib markii Ciidamada amaanka ay jirdil iyo xarig u geysteen dhalinyaro Soomaali Kenyan ah, kuwaasoo guryahooda lagala baxay.

Mas’uuliyiinta gobolka Woqooyi Bari ayaa sheegaya inay jiraan tiro dhalinyaro ah oo ciidamadu ay kala baxeen guryahooda kuwasoo maydadkooda qaar la helay, halka kuwo kalena aan nolol iyo geeri lagu hayn.

Xildhibaan Maxamed Shiidiye oo kamid ah xildhibaanada ka soo jeda Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in tallaabada ay sameeyeen Ciidamada Kenya, gaar ahaan dhacdadii ka dhacday duleedka Gaarisa ay tahay mid aad u fool xun oo aan la aqbaleyn.

Sawiro ay baahiyen warbaahinta Caalamka ayaa muujinaya dhalinyaro ay jirdilayaan Ciidamada Kenya, waxaana dhalinyaradan ay jiifeen dhulka, meel banaan ah, waxaana jirdilayay rag dhar shibil watay, waxaana goobta yaallay baabuur ay leeyihiin ciidamada Kenya.

Gobolka waqooyi bari ayaa waxaa saaran bandow lagu soo rogay tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii jaamacadda Gaarisa, iyadoo dadka deegaanka ay ka cabanayaan dhibaatooyin Ciidamada Kenya ku hayaan deegaanka.