Deg’Deg Dooni Siday Xoolo Nool Oo Ku Burbrtay Mel ku Dhaw Dekada Magaalada Boosaaso

0
239

Doontii Xoolaha nool waday ee Maanta ku gubatay Xeebta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Maamulka Puntland meel aan sidaas uga fogayan dakada Boosaaso ayaa burburtay gabi ahaanba.

Doonta ayaa lagu guul darstay in la damiyo mana jiro khasaare Dadka doonta saarnaa soo gaaray Balse waxaa gubtay dhamaan Xiilohii saarnaa doontaas oo isugu Jiray Ari iyo lo.

Shaqaalihii saranaa doonta waa la badbaadiyay, waxaana Xaaladu ay tahay haatan mid dagan, Boosaaso ayaana siwayn looga hadal hayaa doonta Maanta gubatay.

Taliyaha Ciidanka Dekedda Boosaso Maxamed Cali Xaashi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay basbeeshay doontii ayna aad uga xunyihiin khasaarihii dhacay.