Doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Burundi oo dib loo dhigay

0
266

Waxaa dib loo dhigay doorashadii Madaxtinimada iyo Baarlamaanka dalka Burundi, kadib rabshado siyaasadeed oo wali dalkaas ka socda, iyadoo Madaxweynaha talada haya uu ku adkeysanayo in mar saddexaad uu talada dalka maamulayo.

Dib u dhacan ayaa ka dambeeyay kadib markii Hogaamiyeyaasha Bariga Afrika oo shir ku yeeshay Tanzania ay ugu baaqeen Madaxweynaha Burundi inuu dib u dhigo doorashada, iyagoo codsaday in la joojiyo rabshadaha iyo banaan baxyada.

Afhayeenka Madaxweynaha Burundi ayaa sheegay in doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka dib loo dhigay, isagoo xusay in xilliga la qaban doono ay shaacin doonaan Guddiga doorashada.

Madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa u muuqda inuu aqbalay cadaadiska uga imaanayay Caalamka oo ah inuu dib u dhigo doorashada.

Dibad baxyada rabshadaha watay oo bilowday dhamaadkii bishii April ayaa waxaa uu qal qal siyaasadeed geliyay dalkaas, waxaana dhacay isku day afgambi oo markii dambe fashilmay, xilli Madaxweynaha Burundi uu dalka ka maqnaa.

Protesters walk along a street in the ongoing protest against Burundi President Pierre Nkurunziza and his bid for a third term in Bujumbura