Dowlada Itoobiya Oo siideysay xubno ka tirsan ONLF Kadib Markii ,,,,

0
210

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay siideysay laba sarkaal oo ka tirsan jabhadda ONLF oo bishii January ee sannadkii 2014 laga afduubay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Afhayeenka ONLF Caddaani Hiirmooge ayaa sheegay in kowdii bishan la siidaayey Cali Axmed Xuseen (Cali Dheere) iyo Sulub Cabdi Axmed, kuwaasoo uu xusay in ay hadda ku sugan yihiin Kenya.

Siideynta laba xubnood ayaa waxaa kaalin ka qaatay dowladda Kenya iyo dalal kale.

Saraakiisha ayaa xilliga la afduubayey qeyb ka ahaa ergo ONLF u mataleysay wada-hadallo ay ku jirtay dowladda Itoobiya.

ONLF OGAADEEN