Dowlada Koonfur Afrika Oo Edeyn Dusha Lagaga Tuuray Kadib Markii ay Daysay….

0
320

Maxkamad ku taalla Dalka Koonfur Afrika ayaa dhaliishay qaabkii dowladda ugu ogolaatay madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Al Bashir inuu dalkaasi ka baxo, isaga oo jabiyay amar maxkamadeed.

Al- Bashir ayaa todobaadkii hore Koonfur Afrika uga qeyb galayay shir madaxeedka Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa loo haystaa in uu galay dembiyo dagaal oo ka dhacay gobolka Darfur,

Xaakim sare Dunstan Mlambo, ayaa ku eedeeyay dowladda Koonfur Afrika in ay jebisay sharciga dalka u yaalla.

Waxa uu sheegay in ay jirto sabab lagu rumeysan karo in dowladda Koonfur Afrika ay dembi gashay, iyada oo iska dgaga-tirtay amar maxkamadeed.

15-kii bishan June, ayaa maxkamad ay amartay in madaxweyne Bashir aanu Koonfur Afrika ka bixi karin ilaa iyo inta ay maxkamada go’aan ka gaareyso in loo gacan geliyo maxkamada dembiyada caalamiga ah ee ICC iyo in kale.

Xafiiska dacwad ooggaha Koonfur Afrika ayaa hadda loo xilsaaray in uu baaro dembiga ka dhalan kara arrinta madaxweyne Al-Bashir.