Dowlada Soomaaliya’ Ahlusuna Waxa Ay Hagar Daamo Ku Haysaa Dhismaha Maamulka Gobollada Dhexe

0
261

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa ka hadlay  dagaalladii maanta ka dhacay magaaladda Dhuusa Marreeb ee xaruta gobolka Galgaduud.

Wasiir Odawaa  ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado weerarkii Xoogag taabacsan Ahlusuna kula wareegeen Dhuusa Mareeb, isagoo ku tilmaamay in tallaabadaasi tahay mid ay kooxdaasi uga baxday heshiiskii xabad joojinta ahaa ee kal hore lagula galay magaalada Guriceel.

Sidoo kale Wasiir Odowaa ayaa ku tilmaamay qabsashada Dhuusa Mareeb mid lagu hagar-daameynayo habsami u socodka dhismaha maamulka gobollada dhexe, isla markaana lagu qalqal-gelinayo nabadda iyo xasilioonida ay heystaan  shacabka Gobollada dhexe.

Ciidamo Taabacsan Ahlusuna oo ka yimid dhinaca Guriceel ay dagaal kula wareegeen Dhuusa Mareeb, iyadoo ciidankii dowladda ay isaga baxeen magaalada, isla markaana gaaray degmada Cadaado.

Xaalada Dhuusa Mareeb ayaa mid degan waxana dadka deegaanka ay cabsi ka qabaan in dagaalo ka dhacaan, waxaana ciidamada Ahlusuna difaac ka sameysteen duleedyada magaalada, waxaana caawa ay gaadiid dagaal oo cod baahiyeyaal ku rakiban ku gaaf wareegayeen xaafadaha, kuna wargelinayay dadka deegaanka inay is dejiyaan.