Faah Faahin Dheraad ah Ayaa Ka so Baxeyso Dagaalkii Manta Ka Dhacay Deganka Deefoow

0
741

Ku dhawaad 10 Ruux ayaa ku Geeriyootay tiro kale oo intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmay kaddib dagaal culus oo subaxnimadii hore ee saakay ka qarxay deegaanka Deefoow iyo tuulooyin hoostaga oo dhaca xadka gobolka Hiiraan uu la wadaag Itoobiya.

Dagaalka oo ah mid Culus ayaa u Dhaxeeya Malleeshiyo Beeleed Deegaanka ka tirsan iyo Ciidamada Dowlad-Deegaanka Somalida Dalka Itoobiya ee Liyuu Booliiska, Rida ay Radio Hiiraanweyn u shegeen dadka kunool tuulada abaaley ee G,hiiraan.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalka ayaa lo kala qaaday dagmada feer feer iyo magalada baladweyne kuwaas oo  lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Dagaalka Deefoow oo bilihii ugu Dambeeyayba soo Jiitamayay ayaa u Dhaxeeya Labo beelood oo ku dirirsanaa lahaansha dhulka lagu dagaallamayo, laakiin waxaa muuqata in hadda dagaalku waji kale yeellanayo madaama la sheegay in ay ku soo biireen isla- mar-kaana qeyb ka yihiin ciidammada dowlad deegaanka Itoobiya oo gacan siinaya mid garab ka mid ah dhinacyada dirirtu u dhaxeyso.

Odayaasha iyo Wax-garadka labada Gobol Hiiraan iyo Gal-guduud ayaa ku eedeeyay is-maamulka Soomaalida Itoobiya inay colaad ka hurinayaan xuduudka labada Gobol ay la wadaagaan Itoobiya,waxaana ay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya in ay arrintan jawaab ka bixiso.

Lama oga sida uu xaalka ku danbeyn doono  waloow hada ay wadaan maleshiyaadkii dagalamay abaabul ku adan dagaal markale ka dhaco degaanka deefoow ee  Gobolka hiiraan

deefow_hiiraan