Hogaamiyeyaasha Bariga Afrika Oo Codsaday In Dib Loo Dhigo Doorashada Burundi

0
219

Hogaamiyeyaasha Bariga Afrika ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dalka Burundi Pierre Nkurunziza inuu dib u dhigo doorashada bishan June ka dhaceysa dalkaasi iyadoo ay socdaan dibad baxyo looga soo horjeedo in mar saddexaad uu isa soo sharaxo.

Shirka Hogaamiyeyaasha Bariga Afrika ayaa waxaa sidoo kale laga soo saaray baaq ah in la joojiyo rabshadaha ka socda dalkaas iyo dibad baxyada ka dhanka ah Madaxweyne Nkurunziza.

War murtiyeed laga soo saaray shirka Hogaamiyeyaasha Bariga Afrika oo ka dhacay dalka Tanzania, gaar ahaan magaalada Dar es Salaam.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Tanzania, Kenya, Uganda, iyadoo uu ku soo biiray Madaxweynaha Koofur Afrika oo shirka lagu casuumay.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in illaa 90 kun oo ruux ay u barakaceen dalalka dariska tan iyo markii ay bilowdeen rabshadaha.

In kabadan Labaatan ruux ayaa ku geeriyootay rabshadaha ka bilowday Burundi bishii April, waxaana magaalada Bujumbura ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Burundi iyo ciidamo daacad u ahaa Hogaamiyeyaashii Milateriga ee horkacayay afgambigii fashilmay.