Kaniisad lagu dilay sagaal ruux Oo Mareykan Ah

0
310

Sagaal ruux ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday kaniisad dadka madow ay leeyihiin ee gobolka South Carolina ee Maraykanka.

Kaanisaddan ayaa ah mid taariikhi ah oo ay ku cibaadeystaan dadka madow ee Maraykanka.

Boliisku waxay ku raadjoogaan nin caddaan ah oo weerarka gaystay.

Madaxda boliiska ee gobolkaasi, Gregory Mullen, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in weerarku yahay mid ku dhisan naceyb.

Kaniisaddan la weeraray ayaa ka mid ah kuwa ugu da’da weyn dalka Maraykanka.