Kenya dib u soo celineysa Qaxootiga Soomaaliya iyo WFP oo Cunadii dhintay

0
538
Kumanaan Qaxooti Soomaliyeed oo ku dhaqan dalka Kenya gaar ahaan Xeryaha Qaxooti Dhadhaab ayaa hada Dowlada Kenya waxay damacsan tahay inay u dejiso qorshe si iskood ah 100,000-Somali ugu laaban karaan dalkooda dhamaadka sanadkaan.

Saraakiil ka tarsan Dowlada Kenya oo soo xiganeysa Wakaalada Wararka AP,ayaa sheegay in yaraanshaha lacagta ay qasabtay in Hay’ada Qaramada Midoobay ay dhinto cunadiigargaar ee la siin jiray.

Dowlada Kenya ayaa ku eedeeyay xeryaha Qaxootiga in laga soo abaabulo weerarada argagixiso,waxaana taasi ay sababtay in madaxweyne kuxigeenka dalkaasi William Ruto uu siiyo Hay’ada qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Qaxootiga Ee (UNHCR) in seddex bil gudahood lagu xiro Xerarada Dhadhaab halkaasi ugu yaraan ay ku nool yihiin 300,000-Qaxooti Soomaaliyeed.

UNHCR,ayaa horay Dowlada Kenya ugu sheegtay in si aan qasab ahayn oo la agaasimay Qaxootiga Soomaaliyeed loogu celiyo dalkooda,waxayna meesha ka saartay in Qaxootiga si qasab ah loo celiyo.

Dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ayaa shaqaalaheeda kala baxday bishii May xeryahaha Dhadhaab,sababo la xiriira walaac laga muujiyay xaga amniga.

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada (WFP),ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay dhintay cunadii la siin jiray Qaxootiga ku jira Dhadhaab,waxayna arintaan sabab uga dhigtay Lacagtii soo gali jiray Hay’adaha oo hoos u dhac ku yimaaday.

qaxooti soomaali ah