Kenya oo Soomaaliya u soo wareejineysa Burcad Badeed Soomaaliyed

0
397
sax
Dowlada Kenya ayaa sheegtay inay dib u soo celinayo 62-Qof oo lagu eedeeyay inay ahaayeen Burcad badeed Soomaali ah kuwaasi soo dhameystay xukun xabsi ah oo horay loogu xukumay.

Waxayna arintaan qeyb ka tahay Barnaamijka dib u soo celinta maxaabiista burcad badeeda.

Xukuumada ayaa sheegtay in 164-ruux oo burcad badeed ah wali ku xiran yihiin xabsiga Kenya ka dib markii Badweynta India iyo Gacan Aadan laga soo qabtay iyagoo ka qowleysanaya.

“Dowlada waxay si dhow u la shaqeysa xafiiska ka hortagga Daroogada iyo Dambiyada ee Qaramada Midoobey si loo fududeeyo gudbinta Burcad badeeda,kuwaasi oo si guud u dhameystay mudada xabsiga kaga jireen wadanka,”sidaasi waxaa yiri Meshack Okiya, oo ah kuxigeenka madaxa xabsiga Shimo la Tewa ee ku yaalo magaalo xeebeedka Monbasa ee dalka Kenya.
Sida uu Sarkaalkaan u sheegay Wakaalada wararka Xinghua,14-kale oo burcad badeed Soomaali ah ayay Dowlada Kenya ku wareejin doontaa Safaarada Soomaaliya ee magaalada Nairobi marka ay u dhamaato Mudada xabsiga todobaadka soo socda.

” Marka Hadii safaarada Soomaaliya Ee Nairobi lagu wareejiyo burcad badeeda,ka dib iyagana waxay ku wareejin doonaan Maamulka Puntland halkaasi oo ay kula midoobi doonaan Qoyskooda,’’ ayuu Hadalkiis ku sii daray Mr Okiya.

Hay’ada UNODC,ayaa xabsiyo lagu hayo Burcad badeeda la soo gudbiya ka dhistay magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa.

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah laguna eedeeyay Burcad badeednimo ayaa ku xiran xabsiyo dibada ka ah Soomalaiya,kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan wajahaya.