Kulankii Baarlamaanka ee codka loogu qaadi lahaa mooshinka Jubbaland oo baaqday

0
233

Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ee codka loogu qaadi lahaa mooshinka laga keenay Baarlamaanka Maamulka Jubbaland, ayaa waxaa ku yimid dib udhac.

Sababta baaqashada kulanka ayaa waxa ay tahay kooram la’aan oo shirka u furmi waaye, iyadoo Guddoonka uu ku dhawaaqay in kooramka oo aanan dhameyn awgiis uu kulanka u baaqday.

Kooramka Xildhibaanada ayaa wuxuu ku furmayaa 139 Xildhibaan, hadii tirada intaasi ay ka yar tahay suuragal ma’ahan in kulanka uu furmo.

Waa markii saddexaad oo baaqasho ay ku timaado kulanka Baarlamaanka ee codka loogu qaadi lahaa Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.

Waxaan la ogeyn baaqashada kulanka maanta inay ka dambeyso arimo siyaasadeed, maadaama aanan la dooneyn in mooshinkaan cod loo qaado oo Xildhibaanada qaar ay kasoo horjeedaan.

barlamaan  (1)