Maamulka Gobolka Shabelaha Hoose Oo Kawarbixiyay Sida Ay Uqabsadeen Toora toorow

0
225
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur “Siidii” ayaa ka hadlay la wareegitaankooda Magaalada Toora Tooroow ee Gobolka Shabeellaha hoose.

C/qaadir Siidii wuxuu sheegay in ciidamada xalay saqdii dhexe ay u suuragashay inay gacanta ku dhigaan guud ahaan deegaanka Toora Tooroow, halka Shabaabkii ku sugnaa Magaalada ay isaga baxeen.

Ma uusan sheegin wax iska hor imaad oo ka dhacay Toora tooroow, wuxuuna intaasi raaciyay warkiisa in ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom howlgal ay ka wadaan Magaaladaasi.

Xoogaga Shabaab oo Magaaladan lagala wareegay weli kama aysan hadlin, sidoo kale lama oga halka ay qabteen ciidamadii ka baxay Magaaladaan.

Magaalada Toora Tooroow waa Magaalo muhiim ah cidii gacanta ku haysa.
amisom iyo sidii