Maamulka Somaliland oo heshiis la gaaray Imaaradka Carabta

0
347

Maamulka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ayaa heshiis ku wada gaaray magaalada Duibai ee xarunta isku taga imaaraadka Carabta.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland C/llaahi Max’ed Daahir (Cukuse) oo ka mid ah wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo kuna sugan Imaaraadka Carabta ayaa ka warbixiyay ujeedka socdaalkooda Dubai.

Wuxuu sheegay Wasiir Cukuse inay joogaan Imaaradka Carabta heshiis dhinacyo badan oo ay la gaaraan isku taga Imaaraadka carabta oo ku aadan adkeynta xiriirka,dhaqaalaha iyo waliba kaabayaasha dhaqaalaha,sida uu hadalka u dhigay.

 

Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland ayaa meesha ka saaray inaanay ka mid ah qorshaha Imaaraadka carabta u tageen ka hadalka dagaalada ka socda dalka Yemen iyo doorka ay Somaliland ku leedahay,laakiin Wasiirka ayaa meel cad iska taagay in Somaliland lug ku leedahay dagaalka Yemen ay ka wadaan Xulufada ay hogaamineyso Dowlada Sacuudiga.

Maamulka Somaliland ayaa iska fogeeyay inay gacan ka geysaneyso dagaaka Xulufada Sacuudiga uu hogaaminayo ay ka wadaan Yemen.