Macalinka Kooxda Chelsea Jose Mourinho Oo Heshiis 30 Milyan Ginni Ku Kacaya U Saxiixaya Chelsea.

0
326

Heshiiska afarta sanno ee uu Jose Mourinho ku qaadan doono 30 milyan ginni ee Chelsea ayaa la saxiixi doonaa isbuucyada soo socda iyadoo labada dhinacba ay ku qanacsan yihiin horumarka laga gaaray wadahadalada sida lagu qoray maanta jariirada Daily Mail.

Mourinho ayaa ku dhow inuu mustaqbalkiisa tababarenimo u hibeeyo kooxda heysata horyaalka Premier League ilaa iyo 2019, laakiin Chelsea deg deg uguma jirto in heshiiska lagu dhawaaqo madaama aysan labada dhinacba walaac ka qabin.

Sida ay u fududaadeen wadahadalada markaan ayaa ah mid gabi ahaanba lidi ku ah xiriirkii Mourinho kala dhaxeeyay agaasimayaasha kooxda markii ugu horeysay ee uu macalin ka ahaa kooxda taasoo ugu danbeyn keentay inuu kooxda isaga tago 2007dii.

Laakiin madaxda sarsarre ee Chelsea ayaa carabka ku adkeeyay in madaxda kooxda, Mourinho iyo milkiile Roman Abramovich inay yeesheen qibrad ka badan sidii hore islamarkaana ay dhamaantood doonayaan inay kooxda si dhib la’aan ah ku maamulaan iyadoo la iskaashanayo.

Mourinho ayaa la filayaa inuu sannadkii mushahar ahaan u qaato 7.5 milyan ginni, waxaana saxiixa heshiiskiisa cusub uu calaamad u noqon karaa inuu maqaam halyeey ka dhisto kooxda.

Mourinho ayaa hore loogu eedeeyay inuu yahay tababare waqti gaaban, iyadoo mudadii seddexda sanno iyo seddexda bilood ee uu joogay Chelsea intii u dhaxeysay 2004 iyo 2007 ay aheyd waqtigii ugu dheereyd ee uu koox joogay.