{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya Oo Garoonka Jomo Kenyatta Kulan Kula Qaatay Madaxweynaha Kenya

0
243

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa kulan muddo kooban socday ku qaatay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi.

Kulankan ayaa yimid Kaddib Markii Xasan Sheekh iyo Kenyatta ay Safarro uga soo Kala laabteen dalalka Nigeria iyo Tanzania, iyagoo kulankooda uga hadlay xaaladda labada dal iyo dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab oo labada dalba weerarro ka geysata.

Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya ayaa Sheegay in Qodobbadii ay muddada kooban kala Hadlay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ay isku af-garteen, wuxuuna xusay inuu ku kalsoon yahay in labada dal ay iska kaashanayaan ka hortagga wuxuu ugu kooxaha Argagaxisada.

Geesta kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa Wali Hadlin Kulanka uu Kenyatta kula Qaatay xalay Garoonka Diyaaradaha Nairobi ayaa haddana wuxuu kasoo laabtay Dalka Nigeria oo uu kaga qaybgalay caleemo-saarkii madaxweynaha cusub ee dalkaas, Muhammadu Buhari.

Labada madaxweyne ayaa waxaa kulankooda ku wehliyay wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, C/salaan Cumar Hadliye iyo tan Kenya, Aamino Maxamed, waxaana kulankan uu kusoo beegmayaa iyadoo Kenya manta looga dabaal-dagayo xuska Madaraka.

kulanka ay labada madaxweyne yeesheen ayaa imaanaya iyadoo ay dowladda Kenya horay u shaacisay inay darbi ka dhisayso xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya, taasoo uu madaxweynaha Somalia ku tilmaamay mid aan waxba ka tari doonin weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayso gudaha Waddankaas.

Labada Madaxweyne.1jpg Labada Madaxweyne.2jpg Labada Madaxweyne.3jpg Labada Madaxweyne.4jpg Labada Madaxweyne