Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galaya Caleemo saarka Hogaamiyaha Sudan

0
211
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Khartoum ee caasimadda Jamhuriyadda Sudan, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda caleema saarka Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir oo dib loo doortey.
Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Khartoum International Airport ku soo dhoweeyay, wasiiro ka tirsan xukuumadda Sudan.

Inta uu joogo magaalada Khartoum, Madaxweynaha waxaa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiint xukuumadda Sudan iyo jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Sudan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dalka Nigeria magaala madaxdiisa Abuuja waxaa uu uga soo qayb galay xaflad lagu caleema saarayay madaxweynaha cusub ee wadankaasi Maxamuud Buxaari kaasi oo ku guuleystay doorashii dalkaasi ka dhacday waxaana uu madaxweynuhu sidoo kale kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dalkaasi Nigeria oo ay ka wada hadleen arimo dhowr ah oo quseeya xiriirka labada dal.

madaxweynaha somaliya iyo sudaan