Markabkii kudagay Shiinaha oo laga mudaaharaadayo

0
319

Qaar ka mid ah qaraabada afartii boqol ee markabku kula dagay wabiga Yangtze ee dalka Shiinaha ayaa mudaaharaad ka dhiga goobtii uu shilku ka dhacay agteeda.

Tiro dad ah ayaa xoog ku dhaafay jidgooyooyin ay booliisku dhigteen meel u dhaw wabiga, iyaga oo dalbanaya in xog dheeri ah la siiyo.

Warbaahinda dawladdu waxa ay sheegtay in ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen 65 qof, kaddib markii uu ay dabayli gadiday markabkii Eastern Star isniintii.

Shaqaalaha gargaarku waxa ay la daalaa dhacayaan roob mahiigaan ah oo da’aya, waxa ayna doonayaan in ay jaraan qolofka markabka si dadka biyaha quusa ay u dhex galaan oo ay u sii wadaan baadigoobka.

Ma jiro qof nool oo la soo saaray tan iyo arbacadii.oo ay socotay samatobixin xoogleh.

Saraakiishu waxa ay sheegayaan in ay sii wadayaan raadinta dad nool, laakiin waxaa laga yaabaa in ay noqoto masiibadii ugu darnayn ee ka dhacda Shiinaha mudo dheer.

Wasiirka gaadiidka ee dala Shiinaha Yang Chuantang, ayaa sheegay arbacadii shalay ahayd in ay dadaalka sii wadayaan inta ay jirto rajo yar xataa, isla markaasna aysan niyad jabaynin.

Laakiin waxa uu sheegay in wakhtigu uu hayo samatobixiyeyaasha.

dibad bax shiinaha