{DAAWO SAWIRADA} Puntland Oo Dhiseyso Xero Loo Dhisayo Qaxootiga Yemeniyiinta ah Ee Soo Gaaray Puntland

0
273

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ku dhagax-dhigay xarun loogu tala-galay in ay dagaan ajaanibta ka soo qaxaysa colaadaha Yemen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo Madaxweynaha ku Wehliyay booqashada uu Qardho ku gaaray ayaa ka Qayb-galay Munaasabadda lagu Dhagax-dhigayay Xaruntan oo lagu wado in ay dayactir ku sameeyaan hay’adaha Qaramada Midoobay.

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, C/qur’aan oo la hadlay suxufiyiinta kadib dhagax dhigga ayaa sheegay in Puntland iyo hay’adaha taageerada bixiya ay iska kaashaan doonaan sidii loo kaalmayn lahaa qaxootiga imaanaya gobolka.

Xarunta la dhagax dhigay ayaa la sheegay in aan la dajin doonin Dadka Soomaalida ah isla markaana ay kaliya khaas u tahay dadka u dhashay Yemen, waxaana dhawaan dowladda Yemen ay qunsuliyad cusub ka furatay magaalada Bosaaso.

Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dowladdiisa ay ka Go’an tahay sidii loo caawin lahaa Qoxootiga kasoo cararaya Colaadaha Yemen, kuwaa oo maalmihii la soo dhaafay ku soo Qul-qulayay gudaha Puntland.

Dhagaxx Dhiga Xerada.1jpg Dhagaxx Dhiga Xerada.2jpg Dhagaxx Dhiga Xerada.3jpg Dhagaxx Dhiga Xerada.4jpg Dhagaxx Dhiga Xerada