Wasaarada amniga oo ka hadashay weerarkii Cadaado iyo Al-shabaab oo sheegtay

0
306
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska oo magaciisa ku sheegay Major Nur Ahmed, ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Reuters in ciidamada amniga ay fashiliyeen isku day weerar oo kooxaha islaamiyiinta ay ku damacsanaayeen inay ku qaadaan xarunta uu ka socda shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud ee magaalada Cadaado.

Sarkaalka ayaa sheegay in dagaalyahanada weerarka soo qaaday ay gaarayeen ilaa iyo afar ruux oo mid ka mid ah uu waday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa iskuna hor qarxiyay afaafka hore ee irada xarunta shirka uu ka socda,Seddexdii kalena la toogtay.

” Marka hore gaari walxaha qarxa ku xiran yihiin ayaa isku qarxiyay ilinka hore ee Irida,dabadeedna seddex dagaalyahano ayaa isku day-day inay gudaha u galaan xarunta laakiin nasiib wanaag waxaa toogtay ciidamada AMISOM oo ku sugnaa xarunta Kafaalo,”Sidaasi waxaa Reuters u sheegay Major Nur Ahmed.

Ciidamada AMISOM ayaa horay u ilaalineysay howlka uu shirka ka socday.

Kooxda Al-shabaab oo Dowlada ka horjeeda Dowlada iyo AMISOM ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarka” waxayna sheegeen in dagaalyahanadooda gudaha ka dhex dagaalameen.

Dhanka kale,Wasaarada amniga ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay fashiliyeen weerar lagu qaaday magaalada Cadaado gaar ahaan halka uu shirka ka socda.

Afhayeenka Wasaarada amniga Max’ed yuusuf Cusmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada amniga afar beri ka hor ka sii digeen weerarka,islamarkaana ciidamada heegan kaga jireen weerarkaasi saakayna ay fashiliyeen.

“Wax khasaare ah oo ka dhashay ma jirto, oo aan aheyn kooxihii dhagar qabayaasha ahaa, ciidamada amniga ayaana ka hortagay, afar ruux ayay ahaayeen mid waa kii gaariga isku qarxiyay, saddexda kalena ciidamada ayaa toogtay”ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Dhanka kale,Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Gobollada Dhexe Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yare) oo la hadashay warbaahinta Dowlada ayaa sheegtay in aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray ergooyinka, waxaana ay xustay in Ciidamada ay fashiliyeen weerarkaas.

al shabab